Shacabka Mudisho Kudhaqan Oo Dowladda Ugu Baaqay in ay Go’aan ka qaadato Shirkadda DP World

Qaar ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda  Soomaaliya ayaa ka dalbaday dowladda in ay go’aan ka qaadato Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Suldaan Ahmed Bin Suleymaan  oo ah  Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka khuseynin heshiiskii ay wada gaareen Somaliland iyo Sidoo kale Shirkadda DP World ee dekedda Berbera, ka dib markii dowladda Soomaaliya ay heshiiskaasi ku tilmaamtay Sharci daro.

Shacabka waxa ay sheegeen in Shirkaddaasi ay ku xadgudubtay Madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya

Waxa ayna baaq udireen Madaxda ugu sareysa dowlada somaaliya