Taliyaha ururka saddexaad ee Gorgor Dhamme Cali Axmed Cagey oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Xarardheere ayaa ka hadlay howlgallada ka socda gobolka Mudug oo maalmihii dambe ay ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo xoogan.
Dhamme Cali Axmed Cagey ayaa ugu horreyntii ka hadlay dib usoo laba kacleynta kooxda Al-Shabaab oo qabsatay deegaanadii ay dhowaan kasoo baxeen ciidamada dowladda.
Sidoo kale wuxuu sheegay in shacabkii ku noolaa deegaanada dhaca koonfurta gobolka ay u guureen dhanka Al-Shabaab, kadib amar ay siisay kooxda, sida uu hadalka u dhigay.
“Nabadoonka deegaanadaas ee qaaliga ah ee dadkaas metalo baaqa aan soo dirayo hala maqashiiyo dadkii guuray ee gudaha u guuray iyo kuwii horay u daganaa waxaan leenaha meeshaas halaga baxo” ayuu mar kale yiri Dhamme Cali Axmed Cagey.
“Shabaab waa target hadda waa gabagabadii waxaan qaadeynaa tallaab kasta oo aan cadowga ku naafeyn karno haddii ay tahay dhul iyo cir” ayuu sii raaciyay.