Shan Ciyaartoy Oo Ay Man United U Baahan Tahay Iney Lasoo Saxiixato Hadii Ay Dooneyso Iney City Kula Dagaalanto Premier League Fasalka Dambe. Yaa Ku Jira Liiska?

Manchester United wuxuu xilli ciyaareedkaan ugu dhamaan karaa laba hab oo aad u kala fog – Tan koowaad? “Arrin lagu qanci karo” Iney kooxda ku guuleysato koobka FA Cup sidoo kalana ku dhameysato kaalinta labaad ee horyaalka.

Tan Labaad? “Aan lagu qanci karin” Iney iyadoo lacag badan suuqa galisay ku dhameysato meel ka hooseysa City iyadoo aan wax koob ah qaadin hadana wareega 16-ka uga soo hartay Champins League.

Red Devils waxey u muuqataa koox mar kale suuqa ku bixin doonta malaayiin lacag ah balse aan la ogeyn tirada ay markaan bixin doonto walow xidigo badan lala xiriirinayo.

Shabakadaha Ingiriiska ayaa baahiyay shan ciyaartoy oo ay macquul tahay iney Red Devils wax badan kusoo kordhiyaan isla markaana ku hogaamin kara iney tartan culus la gasho Citizens – iyadoo Jose Mourinho uusan dooneyn in xilli ciyaareedka dambe uu ku dhameysto guuldaro.

Danny Rose: Daafaca Spurs wuxuu ku rajo weyn yahay inuu yimaado Old Trafford, Walow jamaahiirta United ay wax badan jecel yahiin in 22-jirka reer England Luke Shaw uu ciyaaro hadana suuragal maahan mudada Jose Mourinho.

 Ashley Young ayaa xilli ciyaareedkaan booskaas buuxiyay kaas oo looga yeeray xitaa qaranka England, sidaas darteed United daafaceeda bidix lama hubo mustaqbalka.

Gareth Bale: Xidigaan waxaa si joogto ah loola xiriiriyaa Man United, Inkastoo ay iska jiraan caqabado dhaawacyo ah hadana waa xidig xoogan, xawaare leh, sidoo kalana xirfad fiican leh.

28-jirkaan wax badan ayuu ka caawin karaa garabka, walow Mourinho uu wax badan doonay Ivan Perisic xagaagii hore.

Toby Alderweireld: Inkastoo Man United hadda loo tixgeliyo kooxa labaad ee ugu difaaca fiican horyaalka haana ciyaartoyda Smalling iyo Jones waa kuwa qaladaadka u nugul.

Eric Bailly wuxuu muujiyay inuu u qalmo daafaca dhexe, Lindelof wali wuxuu u baahan yahay la qabsi, sidaas darteed Toby oo mar loo doortay mid ka mid ah daafacyada ugu wanaagsan Premier League ayaa lagu adkeyn karaa.

Toni Kroos: Xidiga Jarmalka ah si weyn ayaa loola xiriirinayay Man United ka hor inta uusan Madrid aadin, tan iyo markii uu halkaas tagay laba jeer ayuu la hantay Champions League sidoo kalana hal jeer oo horyaalka ah.

Inkastoo uu wax walba ku hantay Spain, hadana England ayuu ka dhigan karaa tartankiisa ugu dambeeya, waana mid ka mid ah ciyaartoyda kubadda baasta ee ay United u baahnaan laheyd.

Thiago Alcantara: Sida Kroos oo kale xidigaan da’da yar wuxuu ku dhawaaday inuu ku biiro Man United, balse wuxuu doortay Bayern Munich.

Xirfadlahaan dabiiciga ah ee khadka dhexe ku wanaagsan, waxaa ragaadiyay dhaawacyo mudooyinkii ugu dambeeyay, balse hadii uu ka garab ciyaaro Paul Pogba dhibaato badan ayuu abuuri karaa.