Qaar ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay shaqo joojin iyo dibadbax kooban, iyaga oo ka cabanaya go’aan shaqo ka eryis ah oo ay ku qaaday shirkadda maamusha garoonka, Favori.
Shaqaalahan oo ku labisnaa dharka shaqada ayaa gudaha garoonka ku muujiyay gadoodkooda, iyaga oo dalbanaya faragelin degdeg ah oo ka timaada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si loo xalliyo khilaafka kala dhaxeeya shirkadda Favori.
Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen warbaahinta Mustaqbal, tirada shaqaalaha la sheegay in la eryay ayaa lagu qiyaasay ku dhowaad 15 qof, waxaana si toos ah loo shaaciyay magacyadooda iyo aqoonsiyadooda shaqo.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Garoonka Aadan Cadde ama shirkadda Favori oo ku saabsan cabashada shaqaalaha, iyadoo shirkaddu muddo dheer gacanta ku haysay maamulka garoonka.