Shaqaale ka tirsan Hay’adda ICRC oo la dilay

Qoraal ka soo baxay Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas ee ICRC ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah Shaqaalahooda Dil iyo Dhaawac loogu geystay Koonfurta Gobalka Darfur ee dalka Suidaan.
Qoraalka waxaa lagu xusay in 2 shaqaale la dilay, halka 3 kalena lagu dhaawacay weerar lala beegsaday Kolonyo Gaadiidka ICRC oo ku sii jeeday Deegaanka Layba ee Gobalka Darfur, halkaasi oo ay Xaallad Aadminimo oo aad u daran ka jirto.
Madaxa Ergada Hay’adda ICRC u jooga dalka Suudaan Pierre Dorbes ayaa ka Tacsideeyey Shaqaalihii la dilay, isagoo dhanka kalena kuwa dhaawacmay u rajeeyey inay ka soo bogsoodaan dhaawacyadii soo gaaray.