Shaqaalle lagu dilay Magaalada Muqdisho

Dabley Bistoolado ku hubeysan ayaa waxa ay dil ka geysteyn Isgoyska Baar Ubax ee Degmada Howlwadaag.

Xog hoose oo ay heleyso warbaahinta ayaa sheegaysa in dableydaasi ay toogteyn labbo ruux oo kamid ahaa shaqaalaha Shirkada isgaarsiinta ee Hormuud laantooda Baar Ubax sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ragga la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Daahir Nuur Karaane iyo Gurey, waxaa ayna u geeriyoodeen rasaasta ay ku fureen dableydaan xili ay isku diyaarinaayeen Salaada Duhur waxaana lagu dilay afaafka hore ee Laanta Hormuud ay ku leedahay Baar Ubax oo ay ka shaqeyn jireyn.

Maalmihii dambe waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanaayay dilalka qorsheysan oo ay kooxaha Bistooladaha ku hubeysan ay geystaan.