Taliska Booliska Dowlad goboleedka Puntland ayaa Shaqadii ka joojiyey laba taliye oo muuqaalo ka duubay dhalinyaro ku caweyneysay duleedka Magaalada Qardho ee Gobolka ay Puntland u taqaano Karkaar.
Dhalinyarada muuqaalada laga duubay oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxaa ay ku caweynayeen duleedka Magaalada Qardho,waxaana muuqaalada ay Booliska ku faafiyeen Baraha Bulshada,taas oo ay ka dhalatay falcelin ay sameeyeen inta badan dadka ku nool deegaannada Puntland.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Sarreeye Guuto Cabdi Xassan Xuseen ( Cabdiyare) ayaa sheegay in dhacdadaas ay Guddi bari ku sameeya ay u xil saareen,isla markaana Guddigaas ay u soo gudbiyeen in si qaldan ay Saraakiisha ciidamada Booliska Gobolka Karkaar ay Shacabka ula dhaqmeen.
Waxaa uu sheegay in uu Shaqada ka joojiyey Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar  Jaamac Cismaan Qarey iyo Taliyaha saldhigga degmada Qardho Cumar Hiirad Kaatun,kuwaas oo kasoo muuqday Muuqaalada ay Booliska duubeen,isaga oo raali gelin ka bixiyay falkaasi ay Ciidamada Booliska sameeyeen.
8-dii Bishaan ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyey muuqaalada dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar,kuwaas dab ku shitay duleedka Magaalada Qardho, iyaga oo caweynayay,waxaana falkaasi si aad ah ug