Shaqsiyaadka Ugu Saameynta Badan Mareykanka Oo La Shaaciyay

Marwadii koobaad ee hore ee waddanka Mareykanka Michelle Obama ayaa waxa ay soo afjartay 17 sanadood oo ay Hillary Clinton aheyd haweeneyda loogu qadarinta badan yahay waddankaasi.

Mrs Clinton, oo horay ugu tartantay madaxtinimada Mareykanka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalkaasi iyo marwadii hore, ayaa kaalinta saddexaad hoos ugu dhacday codbixinta Gallup ee sanadkiiba mar la qabto, iyadoo kaalinta labaad ay soo gashay haweeneyda TV-ga wararka ka baahisa ee Oprah Winfrey.

Boqoradda Ingiriiska ayaa markii 50-aad waxa ay soo gashay 10-ka qof ee ugu sarreeya codbixinta sida ay Gallup sheegtay.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sanadkii 11-aad ee xiriir ah waxa uu noqday ninka loogu qadarinta badan yahay. Madaxweyne Donald Trump ayaa markii afraad oo xiriir ah waxa uu soo galay kaalinta labaad.

Codbixinta ayaa waxaa la qabanayay sanadwalba tan iyo 1946 markii laga reebo 1976.

1,025 qof ayaa la waydiiyay inay magacaabaan ninka iyo haweeneyda dunidan ku nool ee ay qadarinta weyn u hayaan.

Haweeneyda loogu qadarinta badan yahay

Michelle Obama – 15%

Oprah Winfrey – 5%

Hillary Clinton – 4%

Melania Trump – 4%