Shariif oo lagu Soo dhoweeyay Jowhar

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa Goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed.

Wafdiga oo ay kamid yihiin Xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada jowhar kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sheekh Shariif & Xubnaha la socda ayaa waxaa ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle kuwooda ku sugan Magaalada jowhar, iyaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.

Amniga Magaalada Jowhar ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana laga dareemay Guud ahaan Magaalada safarka uu ku tegay Sheekh Shariif , kaas oo ahaa mid horay loo sii qorsheeyay.

Sheekh Shariif sheekh Axmed oo dhawaan dalka kusoo laabtay, kaddib safaro uu ku tegay dalalka Imaaraadka & kenya ayaa safarkiisa Magaalada Jowhar waxaa uu kusoo aaday xilli ay ka socdaan howlaha doorashooyinka, balse uusan wax door ah ku laheyn.