“Shariif Sheekh Axmed oo Cambaareeyay Mas’uuliyad-darrada Baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay waxa ka socda Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay masuuliyad-darro halis ku ah mustaqbalka dalka. Wuxuu sheegay in Baarlamaanka, oo ah muraayadda iyo astaan qarannimo u taagan ummadda Soomaaliyeed, aan loo adeegsan karin burburinta hannaanka dowlad-dhiska ee si adag oo waqti dheer ah loo soo dhisay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa carrabka ku adkeeyay in aanay marnaba suuragal ahayn in indhaha shacabka hortooda lagu burburiyo nidaamka dowladeed ee dalka, isagoo xusay in dowlad-dhisidda Soomaaliya ay ku timid dadaal gudaha ah iyo taageero caalami ah oo meel fog laga keenay.

Wuxuu ugu baaqay Guddoonka Baarlamaanka, xildhibaanada iyo dhammaan hay’adaha ay khusayso in ay ilaaliyaan mas’uuliyadda qaran, kana shaqeeyaan wada-tashi, is-ixtiraam iyo ilaalinta Dastuurka, si looga fogaado khilaaf iyo qalalaase siyaasadeed oo dib u dhigi kara horumarka dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ayaa ku adkeeyay in masiirka dalka aanu noqon karin mid lagu ciyaaro dano gaar ah, isla markaana Baarlamaanka laga doonayo inuu noqdo goob lagu mideeyo shacabka, halkii uu ka noqon lahaa mid sii kala fogeeya.