Shariif Sheekh Axmed oo Ka Qaybgalay Kulanka Wada-tashiga Siyaasiyiinta

Madaxweynihii 7aad ee dalka, ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka qaybgalay kulan wada-tashi siyaasadeed oo muhiim ah, kaas oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta ka soo horjeeda waxa ay ku tilmaameen tallaabooyin hal dhinac ah oo ay wado xukuumadda haatan jirta ee uu muddo xileedkeedu gabaabsiga yahay.

Kulankan ayaa ahaa mid si weyn diiradda loogu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya ay marayso, iyadoo si gaar ah looga dooday arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo sida loo xaqiijin karo hannaan doorasho oo loo wada dhan yahay. Siyaasiyiinta ka qeyb galay kulanka ayaa isla falanqeeyay baahida loo qabo in dalka uu yeesho nidaam doorasho oo ay ka wada qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, si loo helo kalsooni iyo xasillooni siyaasadeed oo waarta.

Shariif Sheekh Axmed ayaa kulanka ka jeediyay hadallo uu ku muujinayo muhiimadda ay leedahay wadatashi dhab ah oo siyaasadeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan la gaari karin doorasho lagu wada qanacsan yahay haddii aan la helin isfaham buuxa oo dhex mara dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in xaaladda dalka ay u baahan tahay masuuliyad dheeri ah iyo tanaasul si looga gudbo caqabadaha jira.

Intii uu kulanku socday ayaa si qoto dheer loo lafaguray nuuca doorasho ee ku habboon xilliga kala guurka ah, iyadoo la isweydaarsaday aragtiyo kala duwan oo ku saabsan habka ugu habboon ee dalka loogu qaban karo doorasho hufan oo daahfuran. Waxaa la isku raacay in muhiimadda koowaad ay tahay in la helo hannaan doorasho oo loo wada dhan yahay, kaas oo lagu xaqiijin karo matalaad cadaalad ah iyo ka qeybgal ballaaran oo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay caqabadaha siyaasadeed ee taagan iyo sida loo xalin karo, iyadoo la adkeeyay in wadatashi joogto ah uu yahay furaha lagu gaaro xal waara. Siyaasiyiinta ka qeyb galay kulanka ayaa muujiyay in ay diyaar u yihiin sii wadidda wadahadallada si loo helo heshiis siyaasadeed oo qaran oo lagu wada qanacsan yahay.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale kulanka ka muuqatay doorkiisa siyaasadeed ee ku aaddan dhiirrigelinta wadatashiga iyo isfahamka, iyadoo la xusay in xisbigu uu muhiimad gaar ah siinayo sidii loo heli lahaa nidaam doorasho oo hufan oo dalka ka hanaqaada.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay baaq ah in la sii xoojiyo wadahadallada siyaasadeed, lana kordhiyo wada shaqeynta u dhexeysa dhinacyada siyaasadda, si loo xaqiijiyo doorasho nabdoon, lagu kalsoonaan karo, isla markaana horseeda xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara oo dalka Soomaaliya ka hanaqaada