Sheekh Aadan Madoobe oo Baydhabo ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Plan International

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee hay’adda Plan International, Reena Ghelani, oo booqasho shaqo ku timid magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo hay’adda Plan International, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada bulshada, kor u qaadidda waxbarashada, ilaalinta xuquuqda carruurta, taageerada haweenka, horumarinta dhalinyarada iyo xoojinta dadaallada bani’aadannimo ee ka socda deegaannada maamulka.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay wafdiga Plan International booqashadooda, isagoo ku ammaanay doorka muuqda ee hay’addu ka qaadato hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo taageerada bulshada nugul ee ku nool Koonfur Galbeed. Waxa uu sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay sii xoojiso wada-shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha caalamiga ah si loo dardargeliyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Dhankeeda, Agaasimaha Guud ee Plan International, Reena Ghelani, ayaa xaqiijisay in hay’addu ay ka go’an tahay sii wadidda wada-shaqeynta ay la leedahay Dowladda Koonfur Galbeed. Waxay sheegtay in Plan International ay sii wadi doonto taageerada ay siiso bulshada, iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa waxbarashada, ilaalinta carruurta, awood-siinta haweenka, horumarinta dhalinyarada iyo gaarsiinta adeegyada bulshada ee dadka ugu nugul.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee socda iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi cusub oo wax ku ool ah, kaas oo gacan ka geysan kara horumar waara iyo sare u qaadidda tayada nolosha bulshada ku nool deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ku weheliyay Wasiirrada Wasaaradaha Qorsheynta, Gargaarka, Haweenka, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha, iyo sidoo kale Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, kuwaas oo dhammaantood adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dowladda iyo hay’adaha horumarinta si loo daboolo baahiyaha bulshada loona xoojiyo horumarka deegaanka.