Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayay amniga guud ee deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dejinta qorshayaal lagu sii xoojinayo xasilloonida iyo nabadda deegaannada maamulka.
Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Baay, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada ammaanka. Mas’uuliyiinta ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, guulihii laga gaaray sugidda amniga iyo caqabadaha weli taagan, iyagoo isla qaatay in la sii dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara.
Intii uu socday kulanka, waxaa la falanqeeyey sidii loo kordhin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxaha amniga lidka ku ah, loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga iyo maamulka, isla markaana loo horumarin lahaa isdhaafsiga xogaha sirdoonka si looga hortago falal kasta oo khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee ciidamada ammaanka iyo shacabka la shaqeeya, isagoo xusay in iskaashiga bulshada iyo ciidamada uu door weyn ka qaatay sugidda amniga deegaanno badan. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in amnigu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar siyaasadeed, adeegyo dowladeed oo tayo leh, maalgashi iyo koboc dhaqaale.
Mudane Madoobe ayaa faray hay’adaha amniga inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, korna loo qaado wada-shaqeynta u dhexeysa ciidamada kala duwan, maamulka iyo bulshada, si looga hortago wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga iyo xasilloonida deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.
Gabagabadii shirka, waxaa la isku raacay qorsheyaal lagu xoojinayo la socodka xaaladaha amni, dardargelinta howlgalada lagu sugayo nabadda iyo kordhinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo amniga magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo deegaannada ku xeeran.