Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira maamulka, amniga, horumarka iyo qorsheyaasha mudada dhow iyo kuwa fog ee maamulka.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo Golaha Wasiirradu ay ka doodeen arrimo la xiriira habsami-u-socodka howlaha maamulka, adeegyada bulshada, amniga iyo qorsheyaasha horumarineed ee la doonayo in laga hirgeliyo deegaannada Koonfur Galbeed.
Qodobka ugu weyn ee shirka looga hadlay ayaa ahaa Miisaaniyadda Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo Golaha Wasiirradu ay si rasmi ah u ansixiyeen ku noqoshada Miisaaniyadda Maamulka. Miisaaniyadda ayaa saldhig u noqonaysa qorsheyaasha horumarineed, adeegyada bulshada iyo howlaha kala duwan ee maamulka uu qorsheynayo inuu fuliyo.
Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Golaha Wasiirrada ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in miisaaniyadda loo fuliyo si hufan, daahfuran oo waafaqsan mudnaanta maamulka iyo baahiyaha shacabka.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in mudnaanta la siinayo dhinacyada adeegyada bulshada, amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta hay’adaha maamulka, si loo dardargeliyo adeegyada aasaasiga ah iyo howlaha horumarineed ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.
Dhinaca amniga, Golaha Wasiirradu waxay si gaar ah uga hadleen xaaladda nabadgelyo ee deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo diiradda la saaray xoojinta amniga, la-dagaallanka Khawaarijta iyo sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka.
Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga, maamulka iyo bulshada, si loo yareeyo khataraha amni, loona abuuro jawi ku habboon horumarka iyo adeegyada bulshada.
Intii uu shirka socday, khubaro ka socday Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin ku saabsan Qorshaha Isbeddelka Horumarinta Koonfur Galbeed 2026–2031.
Khubarada ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshayaasha iyo mudnaanta horumarineed ee Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo la doonayo in la fuliyo muddada 2026 ilaa 2031, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta adeegyada bulshada, dhaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha, maamulka iyo xoojinta hay’adaha.
Qorshaha Isbeddelka Horumarinta ayaa sidoo kale diiradda saaraya sidii loo horumarin lahaa adeegyada muhiimka ah ee shacabka, kor loogu qaadi lahaa fursadaha dhaqaale iyo shaqo-abuurka, loona xoojin lahaa awoodda hay’adaha maamulka ee bixinta adeegyada bulshada.
Golaha Wasiirrada ayaa dhageystay warbixinta khubarada, iyagoo ka dooday qodobada ku jira qorshaha iyo muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha horumarineed lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa ugu dambeyn lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo qorsheyaal cad, miisaaniyad hufan iyo maamul wanaagsan, si loo xaqiijiyo in mudnaanta Maamulka Koonfur Galbeed loo fuliyo si waafaqsan baahiyaha bulshada.
Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay inay xoojiyaan dadaallada loogu adeegayo shacabka, isla markaana ay si joogto ah uga shaqeeyaan amniga, horumarka iyo xoojinta hay’adaha maamulka.