Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirrada cusub ee uu dhowaan magacaabay, iyadoo kulankaasi lagu falanqeeyay sidii loo dardargelin lahaa howlaha horyaalla Xukuumadda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda Golaha Wasiirrada, si loo xaqiijiyo in Wasaaraduhu u shaqeeyaan si isku xiran, isla markaana ay si hufan uga jawaabaan baahiyaha shacabka. Sidoo kale, waxaa xoogga la saaray dardargelinta adeegyada bulshada, horumarinta maamul-wanaagga, kor u qaadidda isla-xisaabtanka, iyo sidii loo mideyn lahaa qorsheyaasha Wasaaradaha si ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah oo horseeda horumar waara.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa Wasiirrada cusub kula dardaarmay inay muujiyaan hufnaan, daacadnimo iyo karti hoggaamineed, isagoo ku boorriyay inay mudnaanta siiyaan adeegga bulshada, ilaalinta mas’uuliyadda ay shacabka u hayaan, iyo fulinta barnaamijyada horumarineed ee lagu horumarinayo adeegyada dowladda.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in shacabka Koonfur Galbeed ay filayaan isbeddel muuqda iyo adeegyo tayo leh, taas oo uu sheegay inay ku imaan karto oo keliya wada-shaqeyn dhab ah, isla-xisaabtan iyo dadaal joogto ah oo ay muujiyaan dhammaan hay’adaha dowladda.
Dhankooda, Wasiirrada cusub ayaa uga mahadceliyey Hoggaamiyaha Dowladda kalsoonida uu u muujiyey iyo xilalka uu u igmaday. Waxay ballanqaadeen inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan horumarinta hay’adaha dowladda, xoojinta adeegyada bulshada, hirgelinta qorsheyaasha horumarineed, iyo xaqiijinta himilooyinka Dowladda Koonfur Galbeed si shacabka ay u helaan adeegyo hufan oo tayo leh.c