Sheekh Aadan Madoobe oo Qaabilay Siyaasiyiin iyo Waxgaradka Beesha Hariin

Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Hariin.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo xiriirka u dhexeeya Maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay arrimaha bulshada, nabadeynta, dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka shacabka Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhageystay aragtiyada iyo talooyinka ay soo jeediyeen ka qeybgalayaasha kulanka, isagoo uga mahadceliyey kaalintooda ku aaddan nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dowladnimada.

Dhinacyada siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Hariin ayaa Hoggaamiyaha la wadaagay aragtidooda ku aaddan xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, iyagoo muujiyey taageerada ay u hayaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dowladnimada iyo horumarka deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-tashiga, isku duubnida bulshada iyo iskaashiga u dhexeeya maamulka iyo shacabka, si loo gaaro nabad waarta, horumar iyo dowladnimo loo dhan yahay.