Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka shahaadada musharraxnimo, taas oo u xaqiijisay inuu si rasmi ah uga mid noqday musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa ka dhigan bilowga wejiga rasmiga ah ee ololaha doorashada, iyadoo Sheekh Aadan Madoobe uu noqday mid kamid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka culus ee u taagan hoggaanka Koonfur Galbeed. Musharraxiinta ayaa la filayaa inay soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed iyo qorshayaasha ay ku doonayaan inay ku hoggaamiyaan dowlad-goboleedka haddii la doorto.
Doorashada Koonfur Galbeed ayaa si weyn isha loogu hayaa, maadaama ay saameyn ku leedahay jihada siyaasadeed iyo maamulka gobolka, iyadoo guddiga doorashooyinku uu wado dadaallo lagu xaqiijinayo doorasho xor ah, hufan oo daahfuran.