Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey shirka Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga, maamulka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo la isla eegay sidii loo sii adkeyn lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, si loo xaqiijiyo nabadgelyada shacabka.
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ka hadlay u diyaar-garowga fatahaadaha iyo saameynta El Niño, iyagoo qiimeeyey qorshayaasha looga hortagayo laguna yareynayo saameynta fatahaadaha iyo xaaladaha cimilada, gaar ahaan deegaannada iyo bulshada u nugul dhibaatooyinka ka dhasha fatahaadaha.
Dhinaca kale, shirka waxaa looga hadlay maamul-daadejinta iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xoojinayo maamulka iyo adeegyada dowladda ee heerarka kala duwan, si adeegyada aasaasiga ah loogu dhoweeyo shacabka.
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale falanqeeyey sidii loo dardargelin lahaa horumarinta iyo tayeynta adeegyada dowladda, iyadoo xoogga la saaray hufnaanta shaqada hay’adaha, isla-xisaabtanka iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Ugu dambayn, Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Golaha Wasiirada kula dardaarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, lana dardargeliyo fulinta qorshayaasha wax looga qabanayo baahiyaha shacabka iyo horumarinta adeegyada bulshada