Sheekh Caan Ah Oo lagu toogtay Degmada Baardheere

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay xalay degmadaasi ku dileen Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ah Culimadda si weyn looga yaqaano degmada Baardheere.

Labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa wadaadka ku dilay afaafka hore ee Masaajid ku yaala xaafadda Buulo Kuulow, wax yar uun ka dib markii laga soo dareeray Salaaddii Taraawiixda.

Dadka degaanka waxa ay xaqiijiyeen in Sheekh Cabdiraxmaan in uu  tujiyay dadkii kasoo baxay Masjidkaasi.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray ciidamada ka howlgallo degmada Baardheere.