Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay wadahadallo isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sheekh Shariif ayaa xaqiijiyey in wadahadallada ay fashilmeen, oo wax xal ah lagu gaari waayey, xogtaas oo ay xalay idinla wadaagtay Caasimada Online. Wuxuu sidoo kale sheegay in saddex qodob diiradda lagu saaray wadahadallada balse dhammaantood lagu isku afgaran waayey.
