Sheikh Aadan Madoobe oo ka Tacsiyeeyay Sarkaal sare oo muqdisho lagu dilay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraayo leh u diray Allah u naxriistee Marxuum Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) oo lagu dilay magaalada Muqdisho.
Marxuumku ayaa mudo dheer u soo shaqeeyay qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu door wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimada dalka, isagoona xilal muhiim ah ka soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu mudo dheer ka tirsanaa.
Aadan Biid wuxuu ku suntanaa wadaniyad iyo dal jaceyl, waxaana uu waqtigiisa inta badan ku bixiyay u adeegida shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ehelka, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed Alle uga baryay in uu samir iimaan ka siiyo geerida marxuumka asagoo na uga rajeeyay inuu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo.