Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Amb. Mike Nithavrianakis. Kulankan ayaa qeyb ka ahaa xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan labada baarlamaan.
Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Mike Nithavrianakis, ayaa guddoomiyaha golaha shacabka soo gaarsiiyay dhambaal rasmi ah oo uu kaga waday guddoomiyaha Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska. Dhambaalkaasi waxa uu xambaarsanaa fariimo la xiriira xoojinta xiriirka labada baarlamaan iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarka, dimuqraadiyadda, iyo amniga.
Intii uu socday kulanka, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa safiirka uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan horumarka ay sameeyeen hay’adaha dowladda, xasilloonida siyaasadeed, iyo dadaallada socda ee dib-u-heshiisiinta. Sidoo kale, waxa ay labada dhinac ka wadahadleen xoojinta wada shaqeynta iyo sidii loo dardargelin lahaa xiriirka ka dhaxeeya baarlamaannada Soomaaliya iyo Ingiriiska.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo safiirka dowladda Ingiriiska ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga labada baarlamaan si kor loogu qaado wada shaqeynta dhinacyada sharci dejinta iyo horumarinta dimuqraadiyadda. Kulankan ayaa muujinaya dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Ingiriiska.




