Sheikh aadan madoobe oo la kulmey dhigiisa turkiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan wadanka Turkiga ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Mudane Numan Kurtulmuş,waxaana kulanka uu daba socdaa shirka 5-aad ee madasha baarlamaanada Qudus oo ka dhacay Magaaladaasi.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo dhigiisa dalkaasi Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga baarlamaanada labada wadan, in si deg deg ah loo bilaabo wada shaqeynta guddiyada saaxiibtinimada labada baarlamaan Iyo sidoo kale xorriyada Falastiin iyo xal ka gaaristeeda.