Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa maanta gaaray degaanka Biya Cadde ee Gobalka Shabeelada dhexe, waxayna goob joog u noqdeen Diyo ay kala qaateen laba beel oo muddooyinkaas xiisad u dhaxeysay islamarkaana halkaas wada daga.
Madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa degaankaas ka sheegay in wixii hadda ka dambeeyo aysan jiri doonin Diyo lakala qaato, ayna qasab tahay in qofkii qof dila la dilo waxaana goob joog ahaa odayaasha labada dhinac.
Dhinaca kale, dedaaladii nabadeed ee degaanka Burka Dirimeed ayaa maraya gabo, waxaana la filayaa in dhawaan laga soo saaro go’aamo culus oo ku qotama colaadda ku soo noq noqotay inta u dhaxeysa degmooyinka Cadale iyo Raage-Ceelle