Sheikh Shariif Oo war kasoo saaray kulanka garoowe.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweeyey shirka uu gogoshiisa dhigay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo dhawaan dib loo doortay, shirkaas waxaa muuqata in siyaasiyiinta mucaaradka ah ay aad u daneynayaan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in shirkaan uu ku soo aaday waqtigii loogu baahida badnaa, isagoo soo tiriyey caqabadaha Soomaaliya heysta ee mudan in looga tashado shirka Garowe gogoshiisa la dhigay.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay sheegay in dowladda federaalka ay aqbashay ka soo qeybgalka shirkaas, isla markaana ay madaxweyne Xasan Sheekh ka sugayaan go’aanka goorta la qabanayo shirka.

Saacadihii lasoo dhaafay siyaasiyiin badan ayaa soo saaray muujiyeen sida ay shirkaas u daneynayaan, waxayna badankood soo jeediyeen qodobada mudan in shirkaas lagu gorfeeyo.

Farmaajo oo farriin u diray labada gole ee DF ayaa yiri, “Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in inta uu shirkaasi socdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka.”