Shiinaha oo si kulul uga jawaabay eedeynta Taiwan ay u jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga falcelisay hadallo ka yimid Taiwan oo ku saabsan xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, iyada oo sheegtay in Taiwan ay tahay qayb ka mid ah Shiinaha, isla markaana aysan xaq u lahayn inay raadiso aqoonsi caalami ah. Safaaraddu waxay taageertay go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku garab istaagga midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Shiinaha.

Shiinaha ayaa cambaareeyay xafiiska Taiwan ee Hargeysa, kuna tilmaamay mid sharci-darro ah, sidoo kalena ku eedeeyay Taiwan inay adeegsato “dimuqraadiyad been ah” si ay u hesho gooni-isu-taag. Dowladda Shiinaha waxay ku adkaysatay in arrinta Taiwan ay ku xiran tahay xeerarka Qaramada Midoobay, ayna suurtagal ahayn in la aqoonsado.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa si wadajir ah u cambaareeyay xafiisyada ay is dhaafsadeen Taiwan iyo Somaliland, iyaga oo ku adkeystay in labada dalba ay is taageerayaan ilaalinta midnimada, wadajirka dhuleed iyo madaxbannaanidooda.