Shiinaha oo Soomaaliya ka taageeraya la dagaalanka Argagixisada

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Somalia, Mauritania, Tunisia, Yemen and Libya, wuxuuna kala hadlay xaaladaha dalalkooda ku saabsan.

Wasiiradan ayaa dalka Shiinaha uga qeyb galay shirka Sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay Aqalka Shacabka ee Caasimadda Beijing ee Dalka Shiinaha.

Kulanka dhexmaray Wasiiradaha Arrimaha Dibadda Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa waxa ay uga hadleen xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha ammaanka, ganacsiga iyo qodobo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa Wasiir Wang Yi u sharaxay Hormarka Soomaaliya ka socda, isagoo u sheegay in isbedelo guul ah laga sameeyay dhinaca Dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda.

Wasiirka arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa ugu dambeyn balan qaaday xukuumadda Shiinaha inay xoojin doonto xiriirka ka dhaxeeya labada dal, isaga oo sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan la dagaalanka Argagixisada.

Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa shirkii uu ka qeyb galay oo uu khudbad ka jeediyay ka sheegay in Soomaaliya ay ku taalo Goob muhiim u ah isku xirka Ganacsiga Aduunka, wuxuuna xusay in Xiriir Taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Shiinaha oo Iskaashi dhinacyo badan uu dhexmaray.