Dowladda Shiinaha ayaa taageero weyn u muujisay mowqifka dowladda federalka ee heshiis beenaadkii badda, ayada oo si adag uga hortimid damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.
Dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay ka hadashay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas, ayaa waxay taageertay dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo luuqad adag kula hadashay Somaliland, sheegtayna in ay ilaalinayso mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay.
Shiinaha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dalalka geeska in ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka ka taagan, iyaga oo u maraya hab diblomaasiyadeed.
Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi kala dhaxeysaa Somaliland, maadaama ay is aqoonsadeen maamulka kale ee ka go’ay Shiinaha ee Taiwan, sidoo kale Shiinuhu waa mid kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay is-afgaradkaasi oo ay sheegtay inuu xad-gudub ku yahay madaxbannaanida iyo midnimadeeda dhuleed, waxayna Soomaaliya u tixgelisa Somaliland qayb ka mid ah Soomaaliya.
Laakiin dhinaca kale Itoobiya iyo Somaliland labaduba waxay difaaceen is-afgaradka. Somaliland waxay ku sheegtay bayaan ay toddobaadkan soo saartay in dowladda Soomaaliya ay turjumaad qalad ah ka bixinayso is-afgaradkaasi, Somaliland-na aysan ka mid ahayn Soomaaliya, sida qoraalkaas lagu sheegay.