Shil Gaari oo ka dhacay Gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya degaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Shil gaari oo Khasaare geystay.

Sidda ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Mudug ugu yaraan Saddex ruux oo dhalinyaro ah ayaa ku dhawaacmay ka dib markii gaari ay la socdeen uu gadoomay.

Dhalinyaradda ku dhawaacantay Shilkaasi ayaa labo ka mid ah waxaa soo gaaray dhaawac culus sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ku socday xowli, islamarkaana uu ka baxay Wadada ka dibna uu Gadoomay.

Inta badan Shilalka ka dhaca gobolka Mudug ayaa waxaa sababa Burburka Wadooyinka iyo dhalinyaradda oo aan tababar fiican u heysan wadida gawaaridda