Shir amniga ku saabsan oo maata lagu Soo Gebagebeeyay Magaalada beydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laba cisho ka socday shir arrimaha amniga Koonfur Galbeed looga hadlayay, iyadoona uu shir guddoominayay Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).

Waxaa ka qayb galay shirkan, Saraakiil ka socday Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya, UNSOM, AMISOM, Booliska Qaramada Midoobey iyo hay’ado kale oo arrimaha amniga daneeya.

Shirkan ayaa si gaar ah looga hadlay amniga magaalooyinka Koonfur Galbeed, sidii lagu xoojin lahaa iyo sidii lagu furi lahaa degaanada ay go’doomiyeen Al Shabaab.

Sidoo kale shirkan ayaa lagu lafa guray muhiimadda ay leedahay in la furo wadooyinka ay Shabaabku jareen, isla-markaana ay muhiim u tahay maamulka iyo bulshada Koonfur Galbeed, intaba.

Shirkan oo Talaadadii ka furmay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo xiray Xasan Xuseen Maxamed, Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga.