Shirka u dhaxeeyay beesha reer wehliye dheere ee ayaanle ceyr kaas oo mudooyinkii danbe ka socday deegaanka baag ee hoostaga degmada Balanbale ee gobolka galgaduud ayaa lagu soo gabagabeeyay deegaankaas.
xiritaanka shirka waxaa kasoo qayb galay Maamulada Degmooyinka Dhuusamareeb,Guriceel,Matabaan,Gerijir kan gobolka Hiiraan,Wasiiro,Xildhibaano,odoyaal dhaqameed,Dhalinyaro,aqoonyahano iyo Saraakiil Ciidan.
Ujeedada ugu weyn ee shirka looga hadlay ayaa ahayd dhacdooyinka is daba jooga ah ee ka dhacay deegaanada ay beeshaan degto sida dilalalka,isbaarada,dhaca iyo wixii lamid ah,waxaana qodobada kasoo baxay warbaahinta u aqriyay Agaasimihii hore ee Arimaha Bulshada maamulka Caasimada Dhuusamarreb,Yaxye Maxamed Daahir…..