Shir ay ka qayb galeen Sanbaloolshe iyo Dabageed oo ka dhacay Gobolka Hiiraan..

Agaasimaha Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Ahmed Hagar ayaa maanta shir muhiim ah kula yeeshay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan Odayaasha dhaqanka, shirkaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta howlgallada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Hirshabelle.
Agaasimaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa xusay in hey’adda sirdoonka ay diyaarisay qorshayaal dhameystiran oo lagu xaqiijinayo in amniga deegaannada Hirshabeelle, iyadoo diiradda la saarayo gobolka Shabeellaha Dhexe.
Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda balanqaaday inay hey’adda amniga garab ku siinayaan kala shaqeynta nabadda iyo guud ahaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta kuwaas oo ka socda qeybo kamid ah gobolada dalka.