Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Maanta shir uga furmay  Guddiyada Dastuurka oo kala ah Guddiga madaxa bannaan Dastuurka iyo Guddiga la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka ee heer Federaal iyo heer dawlad goboleed.
Madasha oo ah kulankii Afaraad ayaa waxaa ay isla meel dhigayaan cutubyada 10aad ilaa 15aad oo ay dhowaan dib u eegis ku sameeyeen Guddiyada heer Federaal,waxaana kulankaas uu socon doonaa mudo saddex Cisho ah, iyada oo Xubnaha ay wehlin doonaan Xubno ka socda Guddoonada Baarlamaanada Dawlad goboleedyada.
Xubnaha Guddiyada dib u eegista Dastuurka oo ay wehlinayaan guddiyada heer Federaal iyo kuwa dastuurka ee dawlad goboleedyada ayaa shirkooda geba-gabadiisa waxaa ay kasoo saari doonaan Warmurtiyeed.