Shir Kafurmaya Magaalada Garowe

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa la filayaa in Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa uu ka furo shir muhiim ah oo ku saabsan Arrimaha Shaq Abuurka Dhalinyarada.

Shirkaasi oo socon doona mudo Saddex Cisho ah ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada ( Youth Employment Somalia ‘YES’).

Shirka waxaa ka qeyb geli doona dhamaan Wasiirada Shaqada ee Dowlad Goboleedyada dalka ka jira,waxaana Wasiir sadiiq Warfaaf oo sheegay in muddada uu socda shirka horumarinta dhallinyarada iyo shaqaaleysiinta looga dooddi doono waxyaabihii ka hirgalay mashruuca.