Shir Ku Saabsan kor u qaadista tayeynta Waxbarashada dalka Oo lagu Qabtay Muqdisho

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle jaabir ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay shirka looga hadlayo kor u qaadista tayeynta Waxbarashada dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf,Agaasimaha Hiddaha &Tacliinta sare ismaaciil Yuusuf Cismaan Agaasime waaxedyo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada & Wakiilo ka socday Jaamacadaha ku yaalla Gobalka Banaadir.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen, Horumarinta Waxbarashada dalka iyo in la,la yimaado iskaashi dhab ah oo kor loogu qaadayo tayeynta waxbarashada Soomaaliya.

Agaasimaha Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarshada Cismaacil Yuusuf Cismaan oo lahaa qabsoomida kulanka looga hadlayo Horumarinta waxbarashada dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay wadashaqeyn dhab ah iyo in lahelo xiriir joogto ah oo ka dhaxeya Wasaaradda Waxbarashada iyo Jaamacaddaha dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada XFS,Axmed Yuusuf Xasan ayaa waxa uu shegay in markasta ay muhiimtahay horumarinta waxbarshada islamarkaan jaamacaddaha dalka looga baahan yahay in ay soo saaraan arday aqoontoodu sareyso.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay kor u qaadista tayeynta waxbarashada dalka.

,Horumarka iyo wax wada qabsiga waa tan kaliya ee Guul ay ku gaari karaan ardayda Soomaaliyeed jaamacadaha dalka ka jira waxa ay leeyihiin in lagu xasuusto wanaaga ay dalka soo gaarsiiyeen anaga oo og in ay daruufo adag ku soo shaqeyeen xiligii dhibaatada ay ka jirtay dalka,waxan dooneynaa in aan helno wada shqeyn dhab ah si loo helo waxbarasho tayo leh waa in aad ka fakaetaan arga aad qaadaneysaan in uu ahaado arday soo buuxiyay sharuudaha looga baahanyahay marka uu iska diiwaan galinayo jaamacadda.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo heli lahaa arday aqoon wanaagsan leh.