Shir laga yeeshay howlgallo ka billaabanaya Gobolada dalka

Taliyaha ururka 71-aad ee ciidanka  ATMIS, Gaashaanle Dhexe Philippe Butoyi ayaa maanta la kulmay taliyaha guutada 3-aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Yuusuf Ibraahim oo qeyb ka ah howlgallada ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen xaaladda amni iyo bini’aadannimo ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Labada taliye ayaa ku heshiiyey inay wadaagaan wadaagista xogaha sirdoonka, xoojiyaan hawlgallada wadajirka ah ee lagu sugayo amniga iyo inay gargaar siiyaan dadka uu saameeyey fataahadaha Webiga Shabeelle.

Dhinaca kale Ciidamada ATMIS  eek u sugan Gobolka Jubbada Hoose ayaa la kulmay maamulka deegaanka iyo taliyeyaasha ciidamada amaanka Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii loola dagaalami lahaa qatarta Al Shabaab ee ka jirta magaalada Bilis Qooqaani ee degmada Afmadow.

Ciidamadan oo uu hogaaminayay taliyaha Bilis Qooqaani ee ATMIS ayaa sheegay in ay ciidamadu ka go’an tahay in ay Ciidanka xoogga dalka  ka taageeraan sidii ay gobolka Jubada Hoose uga ilaalin lahaayeen kooxaha hubaysan ee sharci darrada ah.

Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Jubbooyinka ayaa waxaa ay kamid yihiin Goobaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay la wareegeen degaano dhowr ah.