Shir looga hadlaayo Mashruuc Muhiim ah oo Ka Furmey Muqdisho…

Mashruuca Adkaysiga Sugnaanta Cuntada & Nafaqada Geeska Afrika waa barnaamij lagu fulinayo Waddamada dhaca Bariga Afrika sida Jamhuuriyadda Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Itoobiya & Koofurta Suudaan waxaana taageeraya Bangiga Horumarinta Afrika, Bangiga Adduunka & Midowga Yurub.

Ujeedka Mashruucaan ayaa lagu sheegay dhowr qayb waxaana guntiisa uu noqonayaa in si buuxda looga qaybgalo habka waxsoosaarka Xoola dhaqatada, Beeralayda & dhinacyo kale oo ku sugan waddamada uu mashruucaan gaarayo.

Soomaaliya waxaa mas’uul uga ah Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhaqanka Xukuumadda Federaalka waxaana taageeraya in uu qabsoomo Hay’adda Caalamiga ah ee Save The Children, halka maamulka Maaliyadda ay taageerayso Wasaaradda Maaliyadda XFS.

Mashruuca Adkaysiga Sugnaanta Cuntada & Nafaqada Geeska Afrika ayaa ka kooban Saddex qayb oo waaweyn & qaybo hoose oo kala ah:

  1. Xoojinta Adkeysiga Habka Waxsoosaarka Xoola Dhaqatada & Baaraleyda, qeybtani waxaa hoos taga :-

1.1 Horumarinta Kaabayaasha Adkeysiga Cimilada ee Habka Waxsoosaarka Beeralay Xoolaleyda.

1.2 Joogteynta Maamulka Waxsoosaarka Dhulka Beelaley xoolaleyda

1.3 Hal Abuurka Teknoljiyadda ee la Tacaalidda Isbedelka Cimilada

  1. Xoojinta Adkeysiga Suuqgeynta Waxsoosaarka Xoolaha

2.1 Fududeynta Adeegsiyada Suuqa iyo adeegyada digitalka

2.2 In la tagaaro Isbedelada ku yimaada nolosha Xoolo dhaqatada

  1. Xoojinta Awooda La qabsiga Isbedelada Cimilada

3.1 Hrumarinta iyo Hagaajinta Adeegyada Cimilada

3.2 Joogteynta Maalgelinta Khataraha Cimilada iyo Ceymiska

3.3 In la dhiso Awooda Shaqo hay’adaha ka shaqeeya Isbedelka Cimilada iyada oo la kaashanay ururrada gobolka Goobaha laga Fulinaayo.

Sida qorshaha uu yahay waxaa mashruucaan Sugnaanta Cuntada & Nafaqada Geeska Afrika qaybtiisa Soomaaliya laga fulinayaa dhammaan Dowlad-Goboleedyada si ay fursad u helaan Xoola dhaqatada iyo Beeralayda halkaas ku nool.