Shir Looga Hadlayay Abaaraha Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyay Garoowe+Sawiro

Shirkii wadatashiga qorshaha loogu samenayay soo kabashada  u adkeysiga  Abaaraha  Soomaaliya ayaa maanta  lagu soo geba gebeeyay Magaaladda Garowe ee Xarunta Dowlada Goboleedka Puntland, waxaana muddada shirka uu socday diiradda lagu saaray qodabo badan oo ay ka mid  yihiin soo nooleynta  ilaha dhaqaalaha iyo wax soo saarka, iyo qodabo kale.

Munaasabadda xiritaanka shirka waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah Wasiirada maamulka Puntland , Agaasimaha Guud ee  Wasaaradda qorsheynta iyo Agaasimiyaasha  guud  ee dowladdaha xubnaha ka ah dowladd Federaalka iyo madax kale.

Agaaasimaaha guud ee Wasaradda qorsheynta Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane ayaa sheegay in maamulada ay soo dhawenayaan wax ka qabashada abaaraha soo noq noqda

“maxsuulka shirkan laysku raacay waxaa ay yahiin qodobo dhowr ah oo ay ka mid yahiin  soo nooleynta ilaha dhaqaalaha wax soo saarka dadka, halkaan jooga wax ay sameyn karaan  qorshaha qaranka soomaaliyeed waa muraayada qaranka  heer federaalka iyo mid  dowladd gobaleed,marka waxaan sameynay afarta cisho ee aan halka joognay shaqooyin  badan oo wax looga qabanayo abaarahan soo noq noqday, iyadoo layska qaadanayo warbaxintii ka soo baxday qiimeyntii ku saabsaneyd isla qaadayashada  abaaraha soo noqday ee DINA.130 taalabo oo waa wayn ah ayaa wax looga qabaayaa soo kabahsada abaaraha, waxaana la eegayaa mudnaanta maamul walbo uu leeyahay”. ayuu yari Agaasime Maxamed Aadan

Wasiirka Qorsheynta dowladd Gobaleedka Puntland Shire Xaaji Faaray ayaa sheegay in maanta meel wanaagsan qaranka soomaaliyeed uu jooga uu ka hadlayo wax keenay abaaraha soo noq noqday.

“waxaa  muhiiim ah in aan ogaanno wax soo  cel celiyay abaaraha aan dursano hadii si wadajir ah howshan u qabaneyno waa muhiim si uu qarankeena u gaaro horumar iyo barwaaqo”.

Wasaaradda Qorsheynta iyo kuwa dowladd gobaleedyada waxaa ay wadaan dedaallo ku aadan sidii dalka loogu sameyn lahaa qorshe wax looga qabanayo abaaraha soo laab laabtay dalka.