Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Mudane Xuseen Cali Maxamuud ayaa Shir Guddoomiyay Shirka khamiis laha ah oo ay yeeshaan Dhamaan Taliyeyaasha Saldhigyada Taliyaasha Rugaha iyo Dhamaan saraakiisha Ciidamada Gobalka Bari.
Shirka Shirka waxaa Maanta gorfeeyay xaqiijinta Amniga Boosaaso iyo Bandowga oo sidii uga sii socon doona Xaafadaha Magalada Boosaaso
Dhamaan Ciidamada ayuu Taliyaha faray in ay Dadka ku wacyigaliyaan in ay qaataan fariimaha Caafimaad Ee Wasaarada Caafimaadka Puntland ay bixineeyso.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacey dilal loo geystay mas’uuliyiin iyo Askar,waxaana dilalkaas mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab iyo Daacish.