Shir looga hadlayay la dagaalanka xagjirnimada oo lagu qabtay Muqdisho

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta guddoomiyeyay Shir looga hadlayay arrimaha Amniga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan looga hadlayay arrimaha Amniga Qaranka labaddii biloodba mar ayaa la qabtaa waxaana looga hadlaa qodobo ay ka mid yihiin falalka ku saleysan xagjirnimadda iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisadda ah.

Waxaa shirka ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka, Dowlada Goboleedyada, Ururadda Bulshadda rayidka iyo deeq bixyaasha Caalamka, Midowga Yurub iyo Dalalka Soomaaliya sidda gaarka ah  u taageera.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka ka hadlay ayaa sharaxay muhiimadda shirka iyo waliba waxa looga gol leeyahay.

“Waxaa saakay shir isugu yimid Dowladda Federaalka, Mas’uuliyiin ka socda Wasaaradaha Maamul Gobolleedyada ay quseyso arrimahan iyo Beesha caalamka safiirka Sweden iyo mas’uuliyiin kale oo beesha caalamka ka socda,shirkaan waxaa lagaga hadlayay arrimaha amniga,qorshaha amniga Qaranka iyo xoojinta qeyb ka mid ah qeybaha uu ka kooban yahay Qorashaha amniga Qaranka oo ah la dagaalanka fikirka xagjirnimada iyo sidii loo wacyigelin lahaa Bulshada Soomaaliyeed dul qaad iyo wada hadal wax la yiraah loo sameyn lahaa,” Ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Mashruuca Qorshahan lagu fulinayo ayaa waxaa kala saxiixday Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, waxaana dhanka Dhaqaalaha ka taageereysa Dowlada Sweden.