Shir looga hadlayay Xasilinta Amniga Oo Kdhacay Magaalada Muqdisho

Shirkan oo looga hadlayay xasilinta amniga Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-uheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Mohamed Sabriye.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Masuuliyiin ka kala tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada,Beesha Caalamka iyo madax kale.

Shirkan oo mudo saacado ah socday ayaa waxaa aad looga hadlay sidii loo xoojin lahaa qorshayaasha kala duwan ee lagu xasilinayo amniga dalka iyo badbaadinta shacabka.

Madaxda ka socotay maamul goboleedyada dalka ayaa waxa ay soo gudbiyeen qorshayaasha ay u diyaariyeen sugidda amniga iyo horumarinta adeegyada aas aasiga ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo shirka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in maamulka gobolka uu wado dadaalo lagu xasilinayo amniga magaalada.

“Shirkan wuxuu ahaa mid muhiim ah, annaga ka maamul ahaan waxaan hordhignay xasilinta amniga caasimadda, waxaan kaloo warbixin ka siinay xaalada magaalada Muqdisho, ha noqoto Roobabkii dhawaan Da’ay iyo arrimaha barakacayaasha, waxaan rajeyneynaa in Hay’adaha caalamka ay shirarka dambe na siin doonaan qorshayaal lagu hormariyo caasimadda.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-uheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Mohamed Sabriye ayaa shirka ka sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay xasilinta dalka iyo badbaadinta shacabka, isaga oo baaq u diray Puntland iyo Somaliland, taasi oo ku aadan in ay joojiyaan colaada Tukaraq.