Shir looga hadlayo Arimaha haweenka Oo Maanta ka furmaya Muqdisho

Magalada Muqdisho waxaa Maanta ka furmay Shirweynaha Qaran ee Haweenka Soomaaliyeed,waxaana shirkaasi soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo xaquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirweynaha waxaa ka qeybgalaya oo goobjoog ka ah  Marwada Madaxweynaha Seynab Macalin, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka ahna kusimaha gudoomiyaha Mahad Cabdalla Cawad, Wasiiro, Xildhibaano iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha Haweenka,waxaana xusid mudan in bilihii u dambeysay uu khilaaf soo kala dhex galay Haweenka Soomaaliyeed oo xilligaan leh laba Guddoomiye ee Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo ay kala hoggaamiyaan Batuulo Sheekh Axmed iyo Ayaan.

Ujeedada shirka loo qabtay ayaa ah sidii loo abuuri lahaa Isbaheysi ilaaliya xaquuqda Shaqsi kasta.

Shalay ayaa Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho waxa ay eedeyn kulul u  jeedisay Wasaaradda Haweenka iyo xaquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.