Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo maanta ka furmaya Magalaada Brussels ee dalka Belgium

Magalaada Brussels ee dalka Belgium-ka waxaa maanta oo Arbaco ah ka furmaya shir ay ka qeyb galayaan inta badan Dowladaha taageera Soomaaliya.

Soomaaliya shirkan waxaa ku metelaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay xilli dambe ah gaaray Magaalada Brussels.

Shirkan oo uu guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa diirada lagu saarayaa wakhtiga kala guurka oo ah xilliga la filayo inay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga dalka.

 Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Faqi ayaa waxa uu sheegay shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub inuu gogol xaar u yahay mid kale oo dhacaya bartamaha sanadkan.

“Ra’iisul Wasaaraha halkan nabad ayuu ku yimid, wuxuu ka qeyb galayaa shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo isaga uu shir guddoomin doono, si gaar ah waxaa diirada loogu saari doonaa sidii loo dhisi lahaa Ciidamada Millitariga iyo sidii dalka loogala wareegi lahaa AMISOM.” Ayuu yiri Amb. Faqi.

Kulan 26-kii bishii ina dhaaftay ee April ku dhexmaray Magaalada Muqdisho, Beesha caalamka, Wakiillo matalayay Hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qayb ka ahaa qorshayaasha ugu waa weyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa Midowga Afrika.