Shir looga hadlayo Covid-19 Oo Maanta Kadhacay Dhuusamareeb

 

Shirkaan Maanta kafurmay Dhuusamareeb ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Wasaarada Caafimaadka Galmudug iyo Hay’adaha Caafimaadka, Nafaqada iyo Nadaafada ee Galmudug,iyada oo wadatashi ka yeelanaya sida looga hortegi karo Cudurkaan.

Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug Dr C/wali Axmed Maxamuud oo Shirka furay ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo samayn lahaa ka hortag looga Gaashaamanayo Faafitaanka Covid-19 Maadaaba kiiskii ugu Horeeyey laga Diiwaan galiye Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Agaasiamaha waxaa uu sheegay in la diyaarinayo Koox Caafimaad oo Magaalada Muqdisho u aadi doona Tababar si loo sameeyo ka hortaga,sidoo kalena dhawaan Qalabka baaritaanada cudurka lasoo gaarsiin doono deegaannada Galmudug.