Shir looga hadlayo dib u eegista Barnaamijka Cadaaladda oo Muqdisho ka furmay

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya  ayaa loo qabtay xubno ka socday qeybaha Cadaaladda sida Maxkamadaha, Xeer ilaalinta, qareennada iyo asluubta, iyadoo furitaankiisa ay ka qeybgaleen, wasiirrada Cadaaladda ee maamul-goboleedyada, gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir,   taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo wasiirka Cadaalada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo ka hadlay munaasabaddii furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in ujeeddada shirkan ay tahay sidii loo heli lahaa qorshe howeedka Sadexda sano ee soo socota, isagoo tilmaamo ka bixiyay ahmiyadda shirkani u leeyahay horumarinta caddaaladda dalka..

“Waxaa dhamaaday qorshe howleedkii  wasaaradda Cadaaladda  sadaxdii sano ee la soo dhaafay, waxaan u fadhinaa qorshihii sadexda sano ee soo socota lagu maamuli lahaa Cadaaladda dalka” ayuu yiri Dr Axmed Cali Daahir.

Wasiirka Cadaaladda ee dowlad-goboleedka Puntland Saalax Xabiib oo ku hadlay magaca maamul-goboleedyada ayaa sheegay in maamul-goboleedyada ay baahi weyn u qabaan helitaanka goobaha Cadaaladda isagoo ammaanay dadaallada wasaaradda Cadaalada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku bixineyso hagaajinta garsoorka dalka..

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Avv. Xasan Xaaji oo shirkaasi furay ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaasha wasaaradda ee ku wajahan horumarinta cadaaladda, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkani ay ka soo bixi doonaan natiijooyin loo aayo.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa daba socda shir hore loogu qabtay Muqdisho oo looga hadlay hurumarinta hannaanka garsoorka dalka iyadoo go’aannadii ka soo baxay lagu sii falanqeyndoono shirkan maanta ka furmay Muqdisho.