Shir looga hadlayo muranka ka taagan xuduudaha dalka oo lagu qabanayo Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabanayaa shir looga hadlayo muranka ka taagan xuduudaha dalka, kaasi oo waqti badan qaatay.

Shirka ayaa waxa uu dhacayaa 4 ilaa 5 ee bishan, waxaana ka qeyb galaya xafiiska Ra’isal Wasaaraha, Wasaaradaha arrimaha gudaha, arrimaha Dastuurka iyo guddiga wada xaajoodka ee xuduudaha.

Qodobada ugu waa weyn ee shirkaas looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah xalinta muranka xuduudaha iyo sidii loo dardar gelin lahaa arrimahaas.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay shirkaas inuu xal u noqonayo arrimo badan oo hada taagan iyo muranada xuduudaha dalka.

Muranka ka taagan xuduudaha dalka ayaa inta u badan waxa uu dhexmaraa maamul goboleedyada dalka, waxaana ka dhasha dagaal labada dhinac dhexmara.