Shir Muhiim ah oo ka Dhacay Dalka Liibiya….

Kalfadhigii 40-aad  ee Gollaha Wasiirada Guryeynta iyo Dhismaha Carabta ayaa lagu qabtay caasimada Tripoli ee dalka Liibiya.

Howlaha Madasha Wasiirada Carabta ee Shanaad ee Guriyeynta Horumarinta Magaalooyinka, iyo Bandhig  la socday ayaa lagu qabtay caasimadda Tripoli, iyadoo  oo uu shirka ka  qeyb  galay kuna metelayay dowladda Soomaaliya   Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dib-udhiska iyo guriyaynta Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxman Sheekh Bashiir iyo Wefdiga uu hogaaminaayay  oo tirsan wasaradda hawlaha guud ee dalka,

Shirka ayaa looga dooday lana soo bandhigay  Sidii Guryo qiimo Jaban loogu heli lahaa Shacabka dan yarta ah iyo Shaqaalaha Dowladda ee aan awwoodin inay kiraystaan ama iibsadaan guryaha qaaliga ah sii loo yareeyo  dhibaatooyinka jira.