Shir Muhiim ah oo lagu soo Gebagebeeyay Muqdisho

Shir wadajir ah oo u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran Siyaasadda dalka iyo Guddiga Farsamo ee Wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

Intii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Dastuurka, Federaaleynta dalka, Doorashooyinka, Hanaanka Cadaaladda ee Federaalka iyo Awood Qeybsiga.

Khubaro ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa ka doodeen arimihiima uu ku saabsanaa shirka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo gebagebada shirka ka hadlay ayaa ka mahadnaqay talooyinka ay soo jeediyeen khubarada.

“Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo aqoonyahanada ka soo qeybgaleen shirkan oo runtii soo jeediyeen talooyin wanaagsan oo ku saabsan arimihii looga hadlay shirka ee uu ka mid ahaa Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu dambayn, waxaa kulanka soo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye isagoo uga mahadceliyay Wasaaraddda Arrimaha Dastuurka doorkeeda qabanqaabineed ee shirka.