Shir u dhaxeeya Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradaha Galmudug oo ka furmay Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb oo maanta ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Gobaleedka waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Wasiiraha Amniga ee maamul gobaleedyada iyo Taliska Booliska.

Shirkaan oo caasimadda Galmudug ka socon doona laba berri ayaa waxaa daahfuray Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Shirka ayaa inta uu socda waxaa diiradda lagu saarayaa Mashruuca Wadajirka Booliiska (JPP-2), Sharciga Booliiska Soomaaliya, Qorshaha Istiraatijyadda Amniga Gudaha, iyo Bixitaanka ATMIS Ka dib. Sida uu yiri Wasiirka Amniga Cabdullaahi Fartaag.