Shir Villa Hargeysa uga furmaya Guddiyada Joogtada Golaha Shacabka iyo Xubno Ka Socda Baarlamaanka Puntland

Xarunta Villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho waxaa Maanta oo Isniin ah kulan ku yeelanaya Guddiga joogtada Golaha Shacabka  iyo Xubno ka socda Guddiga joogtada Golaha Wakiilada Puntland oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Muqdisho.

Ajnaha kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay : Aqoon iyo waayo aragnimo iswaydaarsi  guddiga joogtada Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland, iyada oo shalay kulan horudhac ah uu ka dhacay Magalada Muqdisho.

Mudada uu socdo kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay isweydaarsan doonaan shaqooyinka labada baarlamaanka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac,waxaana kulanka uu socon doonaa mudo Saddex cisho ah.

Waa markii ugu horeysay oo Shir noocaan oo kale ah uu dhexmaro Guddiyada joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Wakiilada Puntland oo maalmihii la soo dhaafay safar Shaqo u joogay Magalada Muqdisho.